Make your own free website on Tripod.com

somalia.gif

Home
dhaxalka
QURAN
Contact Me

Welcome graphic

Qabqablayaasha iyo DKMG oo Diidan xabad joojintii iyo Maydadka oo la aasayo
Tuesday, 03 April 2007

Magaaladda Muqdisho waa ay dagantahay, waxaana wali jira daganaansho iyo Xabad joojin aan wali bur burin hase yeeshee waxaa ilo xogogaal ah ay Onkod u sheegeen in Hogaamiyayaashii dagaalka ee dawladda...

HAWIYE 90% MUCAARAD WEEYE, QOLADII MUQDISHO KU ADKAATA WAAN ARKI DOONAA,WIXII 92 DHACEY BAA DHACAYA. ayuuw Yiri Col: Abdulahi Yusuf oo loo yaqaano mar un madax weeye i dhaha.

Riix Halkaan

 
BREAKING NEWS 12:59 01.04.07 DURUSONLINE
 
 
Dagaaladii Muqdisho oo dib u bilowday

Dagaalada ka sucday caasimada soomaaliya ee muqdisho oo u ekay saakay kuwo laga nastay ayaa hada dib uga bilowday meelihii ay dagalka ka socday maalimihii la soo dhaafay, dagaalka maanta aya waxaa bilaaway ciidamada dowlada oo ku soo riday madaafiic xafadaha suuq-bacaad, janaraal daaúud ,towfiiq iyo cali kamiin madaafiicda ku soo dhacday suuq-bacaad ayaa geysatay dhimasho dhowr ah iyo dhaawac gaarayo ilaa iyo 6qof,

Dhanka kale waxaa jirtay waan waan ay wadeen dad iyaku isku xilsaaray in ay qaboojiyaan dagaalada ka socday magaalada muqdisho oo aay ku tilmaamen in uu yahay dagaal aan dani ugu jirin dowlada amaba kooxaha wax iska caabinta oo u daranyahay oo kaliya shacbiga aan iyaka waxba galabsan oo har iyo habeen madaaficda lagub garaacaayo.

Sidoo kale waxa ay waraarku sheegayaan in ay caasimada soomaaliya soo gaareen ciidamo itoobiyan ah oo wato gawarida dagaalka oo garayo ilaa iyo afartameyo oo u yimid in ay soo furtan ciidamada itobiyan ah oo ku xayiran stadio muqdisho. Ciidamadaan aya xalayto gaari urala ah uga garxay agagaarka Leego ilaa iyo hada macado qasaaraha ka soo gaaray qarxaan.

   
01-04-2007  DURUSONLINE

"Hogaamiye Caana iyo Ciidan uu wato oo Dagaalka Muqdisho ku soo biiray"

 
Waxaa Ilo ku dhawdhaw Xoogagga iska caabinta ka wada Muqdisho shaaca ka qaadeen in ay ku soo biireen ciidamo cusub oo ka soo galay gobollada dagaalka ka soconaya magaalada Muqdisho, Ciidamadaas oo uu hogaaminayo hogaamiya caan ah oo ka soo jeeda beelaha dega Waqooyiga Muqdisho

Il ku dhaw hogaamiyahaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa Shabakada Goobjoog u sheegtay in hogaamiyahaas markii uu magaalada soo galay aad ugu farxeen Ciidamada iska caabita wada, isagoo lagu yaqaannay guula badan uu ka soo hooyay iyo dowrkii uu ka soo qaatay dagaaladii haatan ka hor dhacay.

Waxaa Ishaa Xog ogaalka ahi intaa ku dartay in maalmaha soo socda laga dareemi doono in dagaalka qaabkiisu wax iska badalayo oo qaabab cusub iyo goobo uusan ka filanayn cadawga laga xanuunjin doono.

 

                           12:04  01.04.07 SUNDAY  WARKA MAANTA 
 
 
 
 warka maanta waxaa kamida inoow maanta qaboowyahay dalki kajiiray mugidho
xalay markeed eheed 01;00 am ayaba lamaqlay hal maadfac lee maanta waxaaba jiiro xabad goos goos ah dowlanda cadoowga somali ayaaba lajiibiay ilaah fadligiisa warka waxeeyba intaas kudayaan ineey in shalay lagu layay kulanyo cadowga leey yahay lala beegsaday miino marka ilaaha ayaaba mahadaas leeh warka kusoo kuurdho kala soco DURUSONILNE isha alaah
 
 
 

UuraalWar deg deg ah
Laba qarax oo aad u waaweyn oo lala beegsaday kolanyo Itbiyaan ah oo ku socotey wadada u dhaxaysa Yaaqbariweyne iyo Leego ayaa waxaa ku gaarey cadawga khasaaro aad u weyn, howlgalkaan oo ay fulisey xarakada Al-shabaab, wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa, insha allaah.T

31,March,2007

Lix Uuraal oo dhaawac iyo meyd ah oo
laga raray Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Saddex cisho oo dagaal adag kadib waxaa jabkoodu si xun u soo shaac baxay Tigreega iyo dababadhilifyada uu wato, sida aad la socoteen maalintii u horeesay waxay ku hafteen oo dhinacna uga bixi kari waayeen wadada dheer ee warshadaha oo hilbahooda la waray, baabuurtoodana la gubay sahaydana laga xiray, ciidanka warshadaha soo galay waxa ka baxay wuu yaryahay wax dhintay iyo wax dhaawaca ayay u kala baxeen intii soo hartay oo sakaraad ah xalay ayay gurmad u soo direen oo laga saaray isbartiimada, waxaana halkaa laga saaray dhaawac iyo meyd boqolaal kor u dhaafay oo saaka lix Uuraal lagu qaaday, isla markaana diyaarad khaas ah loosoo diray oo saaka lagu daabulay, warkaas oo ay caddeeyeen dad goob joog ka ahaa daabuladoodii.
Itoobiyaanku hadda dagaalkiisa wuxuu kusoo koobay madaafiic uu shacabka ku laayo oo meel dheer magaalada ka soo toogto.
Mujaahidiintu waxay kaga jawaabayaan hoobiyayaal ay ku duqeynayaan Madaxtooyada iyo saldhigyadooda iyagoo ka ilaalinaya kuwa shacabka soodhex galay.
Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dhammaan tigreegii Ceel cirfiid deganaa uu ka guuray  oo uu u baxay dhinaca Balcad. Kadib markii ay fooda soo gelin waayeen magaalada Muqdisho oo ay halkaa go’doon ku noqdeen.

31,March, 2007

 

War deg dega: Xerooyinka Maslax iyo Ceelcirfiid oo gacan ku heynteedda ay la wareegeen Xoogaga Kacdoonka iyadoo ilaa balcad la sifeeyay

BREAKING NEWS

warka ka imahaayo somali ayaba tibaxayaan ineey kudhiinteen inkabadan 340 ethiopian eh asgartaan ethoipian eh iyo sawiradooda waan keenidoonaa insha alaah

kalasoco warki kusoo kuurdo

sacad masa daqiiqad

Ibraahin Cumar Ow Mahadale  (Ibraahin dheere) “Waxaan ugu sharaxay qoraalkeyga dowladda Uganda, gaar ahaan madaxweyne Museveni in hal dhinac (Dowladda Mbaghati) oo keliya aysan ka dhageysan xaaladda dhabta ah ee dalka ka taagan”.

Muqdisho ,Sabti ,Marso , 31, 2007 , DURUS ONLINE.COM

Ibraahin Cumar Ow Mahadale  (Ibraahin dheere) oo ah Guddoomiyaha  ururka  Organization Welfare Society, ayaa isagoo ku sugan magaalada London wuxuu saxaafadda soo gaarsiiyey qoraal ku qornaa English oo loo tarjumay Af-Soomaali qoraalkaasoo ku taariikheysnaa  29 03 2007, waxaana loo diray dowladda Uganda, oo loo sii mariyey safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalka Ingiriiska.


“Waxaan ugu sharaxay qoraalkeyga dowladda Uganda, gaar ahaan madaxweyne Museveni in hal dhinac (Dowladda Mbaghati) oo keliya aysan ka dhageysan xaaladda dhabta ah ee dalka ka taagan, loona baahan yahay in ay fahmaan xogta dhabta ah ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, shacabka Soomaaliyeedna kama aanu sugeyn dowladda Uganda in ay Soomaaliya u garbo-qabato Itoobiya” ayuu yiri Mahad-alle, wuxuuna kaloo ku xusay qoraalkiisa in Soomaalidu ay yihiin shacab 17 sano xabbad ku soo jiray, isla markaana ay yihiin dad garan kara saaxiibka waqtiga adag gacan siiya & saaxiibka dibin-daabyeeya.

“Waxaan  dowladda Uganda ka codsaneynaa in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ma  ahan dad la gumeysan karo, Soomaaliduna waxey ku maahmaahdaa “Nin ku dilay HAR kuuma jiido” derisnimadii & Afrikaanimadii aan ka sugeynay Uganda shacabka Soomaaliyeed kama uusan helin” ayuu yiri Ibraahim dheere, wuxuuna tilmaamay in shacabku iska xoreyn doono, kuwa ku soo duulay xilli kasta oo ay ku qaadato.

“Soomaalidu waa in ay meel iska dhigtaa qabiilka & qurunka, soona ceshataa sharafteeda, kuwa meelaha ka qeylinaya ee leh dagaalka wuxuu u dhexeeya Hawiye & Daarood, waa kuwa doonaya in ay fashiliyaan Kacdoonka shacabka, dagaalka Xamar ka soconayana waa dagaal ay Itoobiya ula soo bareertay in ay xalaaleysato Soomaaliya, waxaana dagaal aysan shaqo ku laheyn qabaa'ilaad Soomaaliyeed” ayuu yiri Ibraahim dheere, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyey isku duubni & in ay meel uga soo wada jeestaan cadowga ummadda Soomaaliyeed

Mustafe Xaaji, Muqdisho Goobjoog.net (KHAAS)

 

Xoogaga iskacaabinta iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa la filayaa in beri uu dhexmaro dagaal kala bax ah. Ciidanka itoobiya ayaa doonaya in ay u dhaxaysa Xariiryaale iyo 15Mey iyo Wasaarada Gaashaandhiga, halka xoogaga xaq u dirirkana ay doonayaan in ay soo afjaraan wax kasta oo ay ku qaadato goobaha madaafiicda laga soo rido oo ay ugu horayso Villa Somalia. Villa Somalia ayaa afarteeda dhinac waxaa ku gedaaman ciidanka xaq u dirirka iyadoo digniin kama dambays ah la siiyey ciidanka Ugandha ee halkaas ku sugan.

 

 

Diyaargarowga labada dhinac ayaa meeshii ugu saraysay gaaray iyadoo xoogaga iskacaabinta ay dadwaynaha Soomaaliyeed ka codsaday meelkasta oo ay joogaan taageero maadi iyo macnawi ah. Mid kamid xoogaga oo arrinakaas ka hadlayey ayaa yiri “Ducadda ayaa inoogu daran ee Ilaaheey noo barya in gomadaheenna uu sugo”. Mar aanu wax ka waydiinay in hadii dagaalki dabao dheeraado ay cabsi ka qabaan kala go’o xaga rasaasta ayuu mid ka mid ah xoogaga sheegay in rasaas intii ku filan ay haystaan Soomaaliyana aanan rasaas laga waynaynin, uga danbayna rasaasta cadawga ay tahay mida ay ku xisaabtamayaan. Ragan oo niyadoodu aad u saraysay ayaa sheegay in Taariikhda aysan jirin shacab laga guulaystay iyagoo dalkoodii jooga.

“Walaal waxaan ku dhimanayaa in dalkayga difaacayo oo ay diintayda iyo damiirkayga i farayo ee ma ii sheegi kartaa waxa askariga Tigreegu ku dhimanayo” sidaas waxaa yiri mid kamid ah xoogaga xaq u dirirka.
“Rasaastan waxaan ka furtay sarkaal Itoobiyaan, runtaan kuu sheegayaa ee walaahi raga tuutaha waa iska xiranyahay magaca ciidankana waa iska wataa ee markii rasaasta isku dhacdo kuligood argagax iyo cabsi ayey la baqdaan. Doolar ayey kuligood wataan oo ay doonayaan in aysan ka dhiman oo dalkoodii kula laabtaan. Doolarkan waa kii canshuurta dekada dadka laga qaadayey ” sidaas waxaa yiri mid kaloo ka mid ah xoogaga xaq u dirirka..
--------------------------------------------------------------------------------
About this entry
You’re currently reading “ Dagaalka Beri Ee Muqdisho Oo Ah Mid Kala Bax Ah ,” an entry on goobjoog
Published: 3.31.07 / 3am
Category: Wararka

bilowday xalay 2:30 Am ayaa ilaa iyo wali ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaasi oo ah kuwo aad u culus la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalo aan lagu kala jiifan oo xalay galinkii dambe ka bilowday caasimadda Somalia ayaa ka soconaya agagaarka Stadio Muqdisho iyo wadada Xamar Bile, iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ay halkaasi si xun ugu dagaalamayaan.

Wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaaladaan ka dhashay, iyado marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso xaaladda, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo caaboon.

Hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada Muqdisho, iyadoo lagu arkayay saakay wadooyinka boqolaal dad ah oo u badan haween iyo caruur kuwaasi oo lug uga baxsanaya caasimadda.

Ma jiro wax isku socod gaadiid ah oo ka jira caasimadda Somalia, ka dib markii dagaalka uu saameeyay wadooyinka qaar.

Dagaaladaan oo galay maalintii 3aad ayaa u muuqanaya kuwo aan kala joogsaneyn, iyadoo wali aysan jirin waan waan laga dhex wado kooxaha dagaalamaya.

Madaafiicda BM ka ee ciidamada Ethiopia ay ka tuurayaan dhanka Madaxtooyada ayaa ku dhaceysa Xaafadaha General Daauud, Xamar Bile, qeybo ka mid ah Towfiiq iyo Suuq-bacaad, taasina waxa ay keentay in dad badan oo rayid ah ay ku nafwaayaan, iyadoo saakayna halkaasi uu ka jiro barakicii ugu weynaa.

Dagaalkaan oo soconaya maalintii 3aad ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan 70 ruux halka tiro ku dhow 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

ETHIOPIAN-KA OO ASKAR KUMAANDOOS-AH KA DEJIYEY MUQDISHO.
Posted to the Web Mar 30, 17:08

MOGADISHU (Soomaalinews) - Ilaa laba Dayaaradaha Militariga Ethiopian-ka ah ayaa maanta ka soo degay garoonka dayaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in ay Ciidamo xoojin ah kusoo kordhiyeen Ethiopian-ka dagaalka ka wada Muqdisho.


Ilaa in ka badan 500 oo Askari ayaa la xaqiijinayaa in laga soo dejiyey Dayaaradaha, iyadoona ilo si aad ah loogu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay yihiin Ciidamo Kumaandoos ah oo si gaar ah u tababaran.


Askartan Kumaandooska ah ayaa loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan dagaalada qaraar ee ka aloosan maalintii labaad magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kacdoonka wada.

وزيرة الخارجية البريطانية مارجريت بيكيت

وزراء خارجية الاتحاد الاوروبي يصدرون بيانا يطالبون فيه طهران بالافراج الفوري وغير المشروط عن 15 جنديا بريطانيا محتجزين

Dadkii ugu badnaa oo rayid ah oo lagu xasuuqay magaalada Muqdisho labadii maalin ay dagaalada xoogan ay ka socdeen
(Riix Halkaan) 30-03. 2007

War deg dega: Madaxweyne Yusuf oo la soo wariyay inuu daqiiqadaha soo socda ka baxayo Muqdisho,dhulka,badda iyo Cirka oo aan ogeyn halka uu marayo

War deg dega: Taangi Itoobiyaana oo ka soo baxsaday Isbartiibo isagoo xoog ku galay Madaxtooyada

Wariye Dahir Abdulle Alasow ayaa sheegay in Xoogaga Kacdoonka ay kulaalayaan Villa Somaliya halkaas oo fariisin u ah Madaxweyne Yusuf balse uu isaga cararay.

" Dagaalka xoogaga maaha mid gawaari dagaal loo adeegsanayo balse  Ninkii dhoof ku yimid beey geeridu dhibeeysaa ayay ku dagaal gelayaa,run ahaantii looma kala harin dagaalka,wuxuuna argagax iyo xabsi geliyay Ciidamadda Uganda oo intii aan joogay Jiida hore ee Dagaalka ka bixi waayay khadka telefoonka iyagoo codsanaya in jaanis la siiyo ,inta ay iska saarayaan Ciidamadda Itoobiyaanka laakiin qorshaha la Ciyaarayo sidaas maaha ee ujeedku wuxuu yahay in gacan ku heynta Madaxtooyada lagala wareego gacan shisheeye iyo mid Cabdilahi Yusuf" ayuu yiri Dahir Alasow oo sheegay in jabkii ugu ba'naa ee dagaal uu maanta Muqdisho ka dhacay.

Dahir Abdulle Alasow wuxuu sheegay in markii hore dagaalka ay ku jireen beelaha Hawiye oo kaliya laakiin gelinkii dambe ee maanta ay ku biireen dagaalka beelaha kale ee Soomaaliyeed taas oo dagaalka ka dhigeeyso mid u dhaxeeya Soomaali iyo Itoobiyaan.

"Markii Diyaarada la soo riday dagaalka waxaa ku soo biiray Somaliweyn oo dhan,waxaa la xiray ganacsigii oo dhan,Caruurtii iyo haweenkii ayaa bambaanooyin iyo tooreeya qaatay oo ka hortagay Itoobiyaanka,waxaan Indhaheeyga saaray Rag badan oo la dagaalayay Itoobiyaanka una dhashay Majeerteen ,iskaba daa Daarood weynee,marka dagaalku waa dagaal Somali u dhan tahay" ayuu ku celceliyay Dahir Alasow

Dahir Abdulle Alasow oo maalintii sedexaad ku sugan Jiidaha dagaalka waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Ina Xuubsireed iyo raggii kale ee Cabdilahi Yusuf ku kooxda ahaa ay isaga carareen Madaxtooyada oo uu kuu sheegay in waxyar loo jiro,si loo ixtiraamo codsiya is daba joog ah oo ay soo dirayaan Ciidamadda Reer Uganda,kuna dalbanayaan in Xabada la joojiyo.

Wariye Calasow waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in odayaal dhaqameedyo tageen jiidaha dagaalka ,ayna ku wargeliyeen horjoogayasha Ciidamadda in Madaxweyne Yusuf soo dirtay ergo nabadeed oo leh xabada hala joojiyo oo hala wada hadlo

Wariye Dahir Alasow oo inta badan Warbaahinta Maanta iyo shalay uga warbixinayay hadba halka xaal maraya ayaan waydiinay su-aal ku saabsan inuu qabo wax cabsi ah iyo inkale wuxuuna ku jawaabay.

" ma jirto cabsi aan qabo,waayoo dhinaca Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Puntland waxaa la socda Wariyaal faaqidaya hoowlgaladooda ,sidaa hadii uu xaal yahay waa maxay Wariyaha reer Muqdisho ee ka baqanaya waxaysan ka baqaneeyn kuwa ka kala yimid boosaaso iyo Addis Ababa,jawaabtu waa maya ,Wariyihii baqayana waxaan leeyahay Ninkii dhoof ku yimid beey geeridu dhibee ee sawirada iyo warbixinada yeeysan idin dhaafin

War deg dega:- Diyaarad lagu soo riday Muqdisho oo ahayd diyaarad dagaal

Muqdisho ,Jimca ,Marso ,30, 2007, Waagacusub Online



 

Mid ka mida laba diyaarad dagaal oo si ba’an u duqeeynayay degmada Wardhiigleey ayaa dhulka la soo dhigay taas oo taal agagaarka Dugsigga tababarka Xalane.

Diyaarada ayaa gantaalka lala helay xilli ay bam gareeyneeysay Agagaarka Suuqa Bakaaro ee Muqdisho.

Gantaalkaas oo laga tuuray Xaafada Geed Jacayl ayaa la arkayay isagoo diyaarada hadba dhanka ay u liicda ka daba liicaya,taas oo muujineeysa inuu gantaalkaas ahaa mid casriya gaar ahaan Istiikar nuuca loo yaqaan.

Boqolaal dad ah ayaa gacma sare u taagay iyagoo lahaa Allaahu Akbar waxaana isla markii dadku ku qamaamaan Ciidamadii Itoobiyaanka ee dagaalka ku jiray kuwaa  oo durabadiiba laga sifeeyay Xaafadaha Xararyaale iyo Geed Jacayl.

In ka badan 40 Askari oo Itoobiyaana ayaa lagu dilay xaafadahaas,waxaana looga gubay laba gaari oo booyad iyo Uraale ah.

Ciidamadda Itoobiyaanka ayaa wali Madaafiic ka soo tuuraya Madaxtooyadda oo ay dib ugu laabteen.

Dadweynahii la dagaalamayay Itoobiyaanka ayaa isla markiiba si geesinimo leh ugu dareeray Masaajidada si ay u dukadaan Salaada Jimcaha oo waqtigaas ku beegneed.

Boqolaal hubaysan oo ka mida xoogaga Muqdisho ayaa u qalabqaatay dhinaca Isbartiibada oo ay ka socdaan dagaalo fool ka foola oo u dhaxeeya Xoogaga Muqdisho iyo Ciidamadda Itoobiyaanka ah.waxaana jidka dhinaca qorax ka soo baxa la dhigay sedex Taangi oo laga gubay Itoobiyaanka .

Ciidamadda Itoobiyaanka ee dagaalamaya waxay qabsadeen Ceel biyo si ay u helaan biyo ay cabaan maadama ay godoon yihiin ilaa xalay,ayna asqoobeen oo saadkoodii Uraalkii waday shalay la gubay.

Naftii hurre ka mida Xoogaga Muqdisho ayaa isku miidaamiyay barta ay ka dagaalamayaan ee Ceelka Fagaase,ka soo horjeedka Isbartiibo,isagoo qarxiyay bamka biyaha tuurayay ee Ceelkaas.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa dhawaan sawiradda diyaarada la soo riday Inshaa allaah.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo beeniyay War ay baahiyeen Warbaahinta Beenaaleyaasha ah ee Gudaha Muqdisho ka hawlgala.

Nairobi,26,March-07 ( durus.com) Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah ganacsatadii kaalinta muuqata ka qaatay kacdoonkii shacabka ee ku guuleystay nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar umadda jahwareer geliyay kaasoo oranayay in uu heshiis la galay dawladda maqaar saarka ah ee la shaqeysa gaalada ku soo duushay dalka.
 
Xaajiga oo waraysi siiyay idaacada BBC-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa si kulul uga jawaabay wararka beenta ah ee laga baahiyay, isagoo tilmaamay in aaney jirin wax heshiis ah oo uu la gaaray ragaasi marka laga reebo kulan iscafis ah oo dhex maray rag ay isku heyb ahaayeen oo ku jira dawladda maqaar saarka ah.
 
"Waa la yaabanahay waxa banaanada laga sheegayo heshiis ay gaareen, kadaa ay gaareen, yaa heshiis aan la gaaranaa yaase heshiis laga gaari karaa, waxaan ahaa kacdoonkii dadweyne ee ka dhashay Muqdisho iyo maxkamadaha taageeradoodii ayaan ahaa haddii wixii aan soo marnay oo Ilaahey noo sahlay nalaga jajabshay waan ka soo tagay" ayuu yiri Xaaji Abuukar oo caddeeyay mowqifka uu ka qabo heshiis la sheegay in uu la galay rag ku jira maamulka maqaar saarka ah ee Gaaladu ay ka dhisatay dalka Soomaaliya.
 
Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa ku baaqay in ciidamada xooga ku jooga dalka ay baxaan isla markaana loo daayo Soomaalida in ay ka taliyaan aayahooda, isagoo tilmaamay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho in uu u dhaxeeyo ciidamo ajaanib ah oo aan laga rabin dalka iyo dad ka soo horjeeda.
 
Xaaji Abuukar ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax heshiis ah la geli doonin raga hormuudka u ah ciidamada duulaanka ah ee dalka la soo geliyay, isagoo si cad u sheegay in uusan kaligiis ka talin karin masiirka umadda, balse ay u taalo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogtaba.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo beeniyay War ay baahiyeen Warbaahinta Beenaaleyaasha ah ee Gudaha Muqdisho ka hawlgala.

Nairobi,26,March-07 ( Qaadisiya.com) Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah ganacsatadii kaalinta muuqata ka qaatay kacdoonkii shacabka ee ku guuleystay nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar umadda jahwareer geliyay kaasoo oranayay in uu heshiis la galay dawladda maqaar saarka ah ee la shaqeysa gaalada ku soo duushay dalka.
 
Xaajiga oo waraysi siiyay idaacada BBC-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa si kulul uga jawaabay wararka beenta ah ee laga baahiyay, isagoo tilmaamay in aaney jirin wax heshiis ah oo uu la gaaray ragaasi marka laga reebo kulan iscafis ah oo dhex maray rag ay isku heyb ahaayeen oo ku jira dawladda maqaar saarka ah.
 
"Waa la yaabanahay waxa banaanada laga sheegayo heshiis ay gaareen, kadaa ay gaareen, yaa heshiis aan la gaaranaa yaase heshiis laga gaari karaa, waxaan ahaa kacdoonkii dadweyne ee ka dhashay Muqdisho iyo maxkamadaha taageeradoodii ayaan ahaa haddii wixii aan soo marnay oo Ilaahey noo sahlay nalaga jajabshay waan ka soo tagay" ayuu yiri Xaaji Abuukar oo caddeeyay mowqifka uu ka qabo heshiis la sheegay in uu la galay rag ku jira maamulka maqaar saarka ah ee Gaaladu ay ka dhisatay dalka Soomaaliya.
 
Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa ku baaqay in ciidamada xooga ku jooga dalka ay baxaan isla markaana loo daayo Soomaalida in ay ka taliyaan aayahooda, isagoo tilmaamay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho in uu u dhaxeeyo ciidamo ajaanib ah oo aan laga rabin dalka iyo dad ka soo horjeeda.
 
Xaaji Abuukar ayaa hoosta ka xariiqay in uusan wax heshiis ah la geli doonin raga hormuudka u ah ciidamada duulaanka ah ee dalka la soo geliyay, isagoo si cad u sheegay in uusan kaligiis ka talin karin masiirka umadda, balse ay u taalo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogtaba.

Hay’adda ICRC-da oo lagu wareejiyay 18 maxbuus oo ka tirsanaa kuwii dowladda ee lagu qabtay dagaalkii Muqdisho

Munaasabad lagu wareejiyay maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii 21-kii bishan ka
dhacay magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacday xaafada Shiirkole, iyadoo maxaabiis
gaareysa 18 ka tirsan kuwii dowladdana lagu wareejiyay hay’adda ICRC-da, si ay ugu
wareejiso eheladooda.



Maxaabiistan oo ay tiradooda gaareysay 24 ayaa 6 ka mid ah waxaa horey loo dhigay
isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo ay 18-kan kale oo qaarkood ay qabeen
dhaawacyo fud fudud-na la hayay, waxaana maxaabiistan ka mid ahaa dhalinyaro aad
da’yar kuwaasoo ay wejiyadooda maanta ka muuqatay farxad maadama la sii deynayo.



Mid ka mid ah maxaabiistan oo ka hadlay sida uu u arko sii deyntiisa ayaa sheegay
inay aad ugu faraxsan yihiin sii deynta maanta isagoo sheegay in si fiican loola
dhaqmay intii uu ku jiray gacanta kooxihii qabsaday, waxayna sidoo kale xuseen in
Af-hayeenka beelaha Hawiye Axmed diiriye oo ka hadlay xafladii lagu wareejinayay
maxaabiistan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay iyana sii
deyso dadka u xiran ee aan dambiga laheyn.



Siyaasiga C/llaahi Sh. Xasan oo ka hadlay goobtaasi ayaa sheeay in maxaabiistani la
wareejiyay ay yihiin dad Soomaaliyeed isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay helaan
xuriyaddooa, isagoo sheegay in la soo marin habaabiyay, sida uu hadalka u dhigay.

 

Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com

QARAX WEYN OO LALA BEEGSADEY SALDHIG AY LEEYIHIIN CIIDAMADA ETHIOPIA EE MUQDISHO

 

BREAKING NEWS

 

 

Prof. Geeddi, Sh.A. Madoobe & xubno kale oo ay ku

jiraan M/ Cali (Ameeriko) M/dheere & Salaad C. Jeelle oo caawa kulan gaar ah la qaatay Xaaji A. Cadaan kana codsadsay in uu is barbar taago dowladda federaalka

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Prof. Cali Max’ed Geeddi, guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur {Sheekh Aadan Madoobe}, safiirka dowladda federaalka u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Nuur {Ameerika} & xubno kale oo isugu jira aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa caawa hoygiisa magaalada Nairobi ku booqday ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ahaa ganacsadihii ugu tunka weynaa ee taageeri jiray golaha maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana kulankani uu ahaa kii labaad ee uu ra’isul wasaaruhu la yeeshay Xaajiga tan & saaka 9:00 subaxnimo xilligaas oo uu soo gaaray magaalada Nairobi.

Kulanka caawa ayaa ahaa mid Xaajiga iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay uga wada-hadlayeen sidii uu Xaajigu gacan waxtar leh uga geysan lahaa dedaalada dib u heshiisiinta ah ee ay wado dowladda, & sidii uu taageeradiisa ugala laaban lahaa kooxaha kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho oo loo tirinayo in uu ka mid yahay dadka sida weyn u taageersan, waxaana kulankaasi ugu horreyntii ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, oo ka codsaday Xaaji Abuukar in dowladda federaalka uu kala shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa caasimada.

“Dowladdu waxey soo jeedineysaa in la is cafiyo, lagana wada shaqeeyo sidii dalka loo xasilin lahaa, iyadoo gacmaha la is haysto, cid cid kale howsha ka xigtana ma jirto”ayuu yiri Sheekh Aadan madoobe.

Safiirka dowladda federaalka Max’ed Cali Nuur (Ameeriko) oo isna fadhigaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in wixii horay loo soo maray, in aan dib loo gocan, horayna loo socdo, wax walibana laga dhigo xalay dhalay.

“Waxaan hubaa in dhibaatadii dalka ka dhacday ay saameysay guri kasta oo Soomaaliyeed, maanta Soomaaliya waxey u baahan tahay dhiig-joojin, waxaana Xaajiga ka codsaneynaa haddaan nahay siyaasiyiinta & dhammaan waxgaradka beesha Mudulood in aan dowladda kala shaqeeyno soo celinta nabadda, nabadaasina waa mid horseedeysa in dhibaatada shacabka ku habsatay xal loo helo,” ayuu yiri Ameerika, wuxuuna u mahadceliyey ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka & guddoomihaya baarlamaanka oo buu yiri albaab kasta u garaacaya sidii xal loogu heli lahaaa xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho.

“Waa dembi weyn oo laga galayo bini-aadanimada in 16 sano kadib aan goob joog ka noqono dad Soomaaliyeed oo aan la ogeyn waxa ay u dhimanayaan, qofka Soomaaliga ah ee maanta jooga dalka ama dibedda ee arkaya shacab aan waxba galabsan oo maalin kasta dalkii ku dhimanaya runtii qofkaasi ma ahan qof nasiib baddan,inteena manta noolna adduun & aakhiro inooma wanaagsna in dadkeenii oo maalin walba le’anaya haddana aan waxba ka qaban, marka Xaajiga waxaan mar kale ka codsanayaa in uu dowladda federaalka kala shaqeeyo, soo celinta nidaamkii & kala danbeyntii”

Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isaga & Xaajigu ay yihiin dad ehel ah oo aysan wax xumaan ahi ka dhexeyn, dadkuna ay ku kala fakir duwanaan karaan qaabka xalka loo raadinayo, wuxuuna ka codsaday Xaaji Abuukar in la is cafiyo, lagana wada shaqeeyo danta & maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

“Haddii xaaladda lagu run sheego, si dhab ah loo wada shaqeeyo waxaan ku kalsoonahay in wax waliba ay iska dhammaanayaan” ayuu yiri Prof. Geeddi


m.jpg

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo oo saacadaha soo socda kulan kale la yeelanaya saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho

Sida uu sheegay afhayeenka beelaha Hawiye ee Nabadoon Axmed Diiriye Maxamed waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magalaada Muqdisho uu ka dhaco kulan kale oo odayaashu ay la yeelanayaaan saraaakiisha ciidamada ee Itoobiya ee magaalada, ka dib markii sida uu yiri ay la soo xiriireen sidaana ka dalbadeen saraaakiisha Itoobiyaanka ah ee hogaamineysa ciidamadooda ku sugan magaaladan Muqdisho.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray inta odayaashu ay haatan leeyihiin kulan balaaran oo ay uga arinsanayaan qaabkii loo sii deyn lahaa maxaabiis dhowaan lagu qabtay dagaaladii ka dhacay magaaladan Muqdisho ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka oo dhinac ah iyo maleeshiyooyin iyaga ka soo horjeeda, kuwaasoo ka tirsanaa ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay afhayeenku iney horey u sii daayeen maxaabiis dhaawac aheyd oo dagaalada lagu soo qabtay.


Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadooda ay weli ku jiraan aagagii ay kaga soo horjeedeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya iyagoo ilaalinaya xabad joojintii la gaaray, wuxuuna xusay in wadaa hadalka ay ugu yeereen saraakiisha ciidamda Itoobiya maanta uu ka dambeeyey markii sida uu sheegay u sidaasi codsatay wasaaarada arimaha dibeda ee Itoobiya oo la soo xiriirtay buu yiri saraakiishooda ku sugan Muqdisho, isagoo dhinaca kalena tilmaamay inuusan jirin codsi kaga yimid dhinaca dowladda oo looga dalbanayo iney kulan la yeeshaan.

somalia.gif
waaba calanka jamuuriyada somali

Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCdaBarnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. AfrikaBarnaamika - Shanta Galabnimo G. AfrikaBarnaamika
                                                      - Labada Duhurnimo - G. Afrika
Radio Hiiraan

Play High Speed -Live TV

TV LIVE

HADALKI C/YUSUF
KUSOOCDO HAWEYO
Riix Halkaan

Watch Online Television - Free Internet TV ChannelsTV ONLY

001

Table of Contents
January 2000

In this area, I might include links to specific pages of my e-zine, perhaps with a short summary of the content in order to draw readers in.

qolka kusoo dhawaada dhanaan axayaarta sharafta leeh

 

Aayatiin.net
Abaaqaroow
Addacwah.com
Afgooye.co.uk
Aflax.net
Akhbaarta.com
Albakrioil.com
Allbanadir.com
Allceeldheer.com
Alldalka.com
Allpuntland.com
Allraaso.net
Allsbc.com
Allwadani.com
Almanaara
Altaqwaa.com
Aminarts
Arts Osman
Awdalnews.com
Banaadiri
Banadir City
Banadircity.net
Baraawepost
Bashaal.com
BBC Somali
Biyokulule.com
Bluestarsite.com
Boondheere.com
Boqolsoon.com
Buuloburde.com
Buurhakaba.com
Cowslafil.con
Calayaale.com
Carmooyin.com
Ceelbuurnet.com
Dalka Somalia
Dayniile one
Dayniile.com
Deeyoo.com
Dhagaxtuur
Diilhare.com
Doollo.com
Ehooyo.com
Galgaduud.com
Gandarshe.com
Gedonet.com
Gedoweb.com
Geedoole.com
Goobjoog.net
Halgan.net
Hamarey.com
Hambalyo.com
Harowo.com
Heegan.net
Hiiraan
Hobyo-one
Horseednet
Idamaale.com
Imaams.com
Iqrapress
Iqrasomali.com
Irinnews
Jammaame
Janaale.com
Jowhar.com
Jowharnews.com
Kulmis.com
Laasadaar
Luuq.com
MarkaCadey.Net
Maktabada.com
Mareeg.com
Markanews.com

Midnimo.com
Mudug online
Muqdisho times
Mysomali.com
Qaadisiya.com
Qaranimo.com
Qorahay.com
Radio Banadir
Radio free Somalia
Radiodaljir.com
RSTV Online
Safari Phone
Shabelle.net
Sharifzein.net
Simbanews.com
Solanetwork.com
Somali Media
Somali R Yemen
Somali start page
Somali Swiss
Somali wide
Somaliaswiss
Somalideaf.org
Somalil talk

SomaliOz.com
Somaliweyn.com
Somsports.com
Soomaali News
Talowanaag.com
Waagacusub
Waaberistudio
Wabishabeele
Wadanka.com
Wardheernews
WarQabad.com
Warshiikh.com
Widhwidh.com
Xamar Shop
Xamardaye.com
Xamarnet.com
Xog-waran.com
Xurnimo.com
Xaraash.com
Yaaqshid.com
Submit Link